Dunida iyo halkay u socoto


Lacagaha cryptocurrency

by Abdalla Way

Dunida cusub ee aynnu ku noolnahay lacagteedu waxay isu sii beddeleysaa qaab dhijitaal ah.  Waxaa laga yaaba in aad u baratay lacagta shilin Soomaaliga iyo kuwa kale ee aad isticmaasho gacantana ku qaban karto ama arki karto, adigoo meel walba u qaadan kara ama siin kara qofka aad doonto ee markaas u baahan, haddase dunidu sidaas way ka tagtay oo waxaa soo baxay lacago hawo ah oo qaab dhijitaal ah u samaysan una shaqeeya. 

Cryptocurrency (Kirirbtookaaransi) waa lacago dhijitaal ah, waana nooc ka mid ah hantida dhijitaalka ah oo ee aan la taaban karin ama la arki karin. Lacagta dhijitaalka ah waxaa loogu shaqaystaa qaab aad u casriyaysan waxaana loo adeegsadaa hab loo yaqaan “cryptography” (kiribtoografi) iyo tiknoolojiyada Blockchain (balookjayn), si loo xaqiijiyo wax kala iibsiga iyo sidoo kale in la xakameeyo samaynta cutubyo cusub oo lacagahaa ah. Waxaa loo qaabeeyey in ay u shaqeyso si ka madaxbannaan hay'ad maaliyadeed, sida bangiyada dhexe, dawladaha, ama maamul dhexe oo maareeya.